Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar ayaa sheegay inuu kulan magaalada Asmara kula qaatay hoggaamiyeyaasha ururka ONLF.

Mustafa Cumar ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in madaxada ONLF ay ka wada haldeen taarikhda halgankii dheera iyo ku guriyo noqoshada.

Hadalkan madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan dowladda Itoobiya ay cafis u fidisay uraradii mucaaradka ee dowladda kasoo horjeeday isla markaasna waxay ka saartay liiska argagixisada.

Dowladda Itoobiya waxay wafddi isku dhaf ah u dirtay magaalada Asmara si ay ururada wadahadalo nabadeed ula yeeshaan, waxaana kamid ah ururka ONLF oo muddo dagaal kula jiray dowladda Itoobiya.