Ciyaaryahanka u dhashay  dalka Croatia una cayaara kooxda Real Madrid Luka Modric ayaa noqday caalamka ugu wanaagsan dunida, isaga oo gaaracay meeshana ka saaray Mohamed Salah iyo Cristiano Ronaldo oo tartanka kula jiray.

Munaasabad lagu qabtay magaalada London xalay ayaa sidoo kale waxaa la siiyay Mohamed Salah abaalmarinta goolka ugu wanaagsanaa sanadka halka tababarihii xulka Faransiiska uu ku guuleystey tababaraha ugu wanaagsanaa caalamka.

Luka Modric ayaa mar kale abaal marintan waxa uu ugaga guuleystey Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah oo uu hore uga qaaday abaal marintii xidiga sanadka ee Yurub ugu fiican.

Laakiin Salah ayaa ku guulaystay abaal marinta goolkii ugu quruxda badnaa aduunka ee sanadkan 2018 ka kadib markii uu helay codkii ugu badnaa ee lagu soo dooranayay abaal marinta goolka sanadka ee FIFA Puska Award 2018.

Sidoo kale xidiga Real Madrid ayaa isla munaasabaddaslas noqday xidigii ugu wanaagsanaa ee dhacdadii lagu soo idleeyay Russia.