Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dagaal kula wareegeen degaanka Ceel Muluq oo ka mid ah degaanka hoos yimaada degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegtay in dagaal ay saakay aroortii ay ku qaadeen degaankaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle.

Shabaab waxa ay sheegeen in dagaalka ay ku dileen Saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda.

ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Ciidanka dowladda Soomaaliya qeybtooda gobolka Shabeellaha Dhexe oo ku aadan dagaalka iyo waliba la wareegitaanka Shabaab ay sheegteen.