Muqdisho-Kalsan TV-War qoraal ah oo dhawaan kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoowe u qaabilsan Soomaaliya  uu isaga baxo dalka.

Waxaa warkaasi lagu sheegay in Mr Heysom uu dalka isaga baxo oo aanan laga rabin in uu kasii shaqeeyo, bacdamaa uu siyaasada dalka farageliyay sida lagu sheegay warkaasi kasoo baxay wasaarada arrima dibadda ee Soomaaliya.

Xafiiska Nicholas Heysom ayaa maanta waxaa uu soo saaray war sheegaya in Booliska Koonfur galbeed ay Qaramada Midoowe taageerada ay siin jireen ay jarteyn, isla warkaasna lagu eedeyey dowladda Federaalka Soomaaliya soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow.
Halkaan hoose ka akhriso war saxafadeedka ay wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya ku amartay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoowe u qaabilsan Soomaaliya uu isaga baxo dalka.