Garowe-Kalsan TV-Magaalada Garowe ee xarunta Puntland waxaa ka socda diyaar-garowga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
Amaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ku sugan siyaasiin Murashaxiin ah oo ka badan 30 qof, masuuliyiin kale.
Maanta ayaa la qorsheeyay in Baarlamaanka ay doortaan Guddoonka Baarlamaanka, iyo Guddiga doorashada Madaxweynaha Puntland.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goob Joog ka noqon doona doorashada Guddoomiyaha iyo Guddiga doorashada, kuwaas oo shalay Gaaray Garowe.