Ciidamada Milatariga dalka Gabon ayaa ku dhawaaqay in ay si xoog ah Awooda dalka ula wareegeen ka dib markii war ay soo saareen ay ka akhriyeen raadiyaha dowladda oo ay qabsadeen saakay xilli hore.

Gabon oo dal ku yaalla Bartamaha Afrika, waxaana la sheegay in Madaxweynaha dalkaasi xaalad Caafimaad daro ay soo wajahday sanadyadii ugu dambeeyay, islamarkaana hadda uu ku jiro Isbitaal ku yaalla dalka Morroco.

Ciidanka waxa ay sheegeen in soo celinayaan hanaanka Maamulka ee dalka, islamarkaana ay soo Afjari doonaan Musuq maasuqa dalka ka jira iyo maamul xumada.

Madaxweynaha Gabon Ali Bongo Ondimba ayaa  dalkaasi ka noqday Madaxweyne  sanadkii 2009, waxaana dhalay hoggaamiyihii Afgambiga ku qabsaday Gobon sanadkii 1967.