Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf Ahna Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Cisiid Cabdullaahi Deni oo maanta golaha wakiilada Puntland ay u doorteen Madaxweynaha 5 –ta sanno ee soo sota ee Maamulkaasi. War-Saxaafadeed ka soo Xaiska Madaxweynaha Galmudug ayaa loogu hambalyey Madaxweynaha Cusub ee Puntland Cisiid Cabdulaahi Deni,sidoo kale waxaa bogaadin loogu jeediyey Golaha wakiilada Puntland oo ay sheegeen in ay si fuhan u doorteen. Qoraalka waxaa lagu”Galmudug waxay diyaar u tahey in ay si dhaw ulashaqeyso Madaxweynaha cusub si loo sii amba qaadoiskaashigii ka dhaxeeyey labada Dowlad Goboleed” Halkaan ka aqriso War-Saxaafadeedka Galmudug.