Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in au dib u qaabeyn ku sameynayaan

Ssldhigyada Ciidamadooda ee ku yaalla aagagga hore ee difaaca.

Dib u qaabeynta Saldhigyada ayaa lagu sheegay in ay noqoneyso naqshadeynta,adkeynta

difaacyada, sameyn aag ay ciidamada ku dagaallami karaan haddii la soo weeraro, iyo difaacyo

adag oo ay Ciidamada ku badbaadi karaan.

Gen. Fidza Dludlu, ah Madaxa taageerada AMISOM ayaa sheegay in Saldhigyada wax ican laga

beddeli karo si looga hortago waxyeellada askarta soo gaarta xilliyada ay Saldhigyada la kulmaan

dagaalka.

Waxaa uu ka hadlayay kulan ka dhacay Muqdisho oo ay Injineerrada dhismaha ee AMISOM ee

dhamaan shanta qeybood ee uu howlgalka ka koobanyahay ka qeybgalayeen.

Gen. Fidza Dludlu, ayaa qorshaha dib u habeynta saldhigyada ku sheegay in ay qeyb ka tahay

qorshaha kala guurka ee Amaanka dalka loogu wareejinayo dowladda Soomaaiya,laguna

dhimayo Ciidamada AMISOM,kuwaas oo 1,000 askari oo ka mid ah ay dalka ka Bixi doonaan

Sanadkan.

Madaxa Injineerrada AMISOM, Olugbemi Adeboye Obasanjo ayaa sheegay in muhiimadda 1aad

ay tahay amaanka Ciidamada AMISOM, kaddibna ay xigi doonto aag ay howlgal ka fulin karaan.

Waxyaabaha kale ee shirka labada maalmood socday lagu soo hadal qaaday waxaa ka mid ahaa

qiimeynta ama sahminta qataraha ay Ciidanka AMISOM la kulmi karaan iyo sida loo difaaci karo

saldhigyada