Ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay howlgal ciidan ka waday gobolka Shabeellada Hoose.

Howl-galladan ayaa ciidamada waxay kula dagaalamayaan isbaarooyin sharci darro ah oo dadka iyo gaadiidka lagu dhibaateyn jiray.

Dhinaca kale waxaa maanta magaalada Baraawe ee gobolka tagay madaxweynaha maamulka Koonufr Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Laftagareen.

Sidoo Kale Warar ka Qaar Ayaa Sheegaya In Madaxweynaha Soomaaliya Mudane maxamed c/llaahi Farmaajo In dhawaan uu Tagadi doono Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeellaha Hoose Waxaana maal mihii La Soo dhaafay aad loo Adkeeyay Amaanka Magaalada Afgooye.