Wararka saaka naga soo gaaraya Degaano ka tirsan G/bokool ayaa sheegaya in ciidamada ka tirsan miltariga Soomaaliya iyo kuwa koonfur galbeed Soomaaliya ay ku wajan yihiin deegaano Al-shabaab ay kaga sugan yihiin Gobolka bakool.

Dagmooyinka Rabdhuur iyo Tiyaklow ayaa qorshaha uu yhaya in ciidamadaas ay ka saarayn Dagaalamayaasha Al-shabaab.

ciidamadan saaka u ruqaansaday  degaanada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka bakool ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis xasan Maxamed Laftigareed uu shalay galinkii dambe ku dhaawaq howlgal ka dhan ah Al-shabaab,isagoona ciidamada faragay in ay nu ruqaansadaan Degmooyinka Rabdhuure iyo tiyooglow Ee G/bakool.

Degaanadaas aan kor ku soo xusnay Ee Al-shabaab ay gacanta ku hayaan ayaa waxaa kasoo barakacay inta badan shacabkii ku noolaa kuwaasi oo yimid magaalada baydhabo Ee G/bay,waxaase ciidamadan saaka ku wajan ay degaanadaas ay jawaab u tahay Cabshada shacabka yimid magaalada baydhabo Ee G/bay.