Warar Aan Helnay ayaa sheeya in diyaarado dagaal xalay ay duqeyn la beegsadeen Idaacadda Ku hadasha Afka Al-Shabaab oo ku taala Magaalada Jilib ee Gobalka Jubada dhexe.

Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in khasaaro lixaad leh la gaar siiyay Wariyaasha Ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland  ayaa Kalsan Tv u xaqiijiyay in duqeyn lala beegsaday Idaacadda Al-Andulus oo ah idaacad Ku hadasha Afka Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Shalay ayay aheyd markii Saraakiisha Militariga Soomaaliya ay sheegeen in duqeyn ka dhacday Magaalada Bu’aale ay ku dileen afar wariye oo ka tirsan Al-Shabaab.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa kordhay duqeymaha ay la beegsanayaan Saldhigyada Al-Shabaab ay ku leeyihiin qaar ka mid ah Gobalada dalka.