Aqalka golaha guurtida ayaa la filayaa inay maanta ku dhawaaqaan muddo kordhintii saddexaad ee loo sameeyo golaha wakiilada Somaliland oo muddo afar iyo toban sano ah fadhiya aqalkaasi.

Golaha maanta loo kordhinayo waxaa doorashadooda la qabanayay 29 bisha March ee 2019,  waxaana la filayaa in lix bilood ay ku daraan aqalka odayaasha guurtidu.

Dib u dhaca doorashadan ayaa maalmihii dambe waxaa walaac ka muujiyay xisbiyada siyaasadeed ee ka jira deegaanada Soomaaliland.

Xisbiyada walaaca ka muujinayay ayaa waxaa ka mid ah Wadani iyo UCID, waxaa ayna sheegeen in arintaasi aan hada loo baahneen.