Faahfaahino dheeraad ayaa kasoo baxayaan Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka dhacay Kaalin Shidaal oo ku taalla Agagaarka Xarunta Wasaaradda Batroolka Soomaaliya.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal gaari yaallay meel u dhow Kaalinta Shidaalka ayaa qarxay, waxana warar qaar ay sheegayaan in gaariga aysan cidna la socon oo goobta horay loo soo dhigay.

Kaalinta Shidaalka ayaa gubaneysa,  Maadaama uu soo gaaray Hola gaariga qarxay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka ayaa xaqiijiyay in dhammaan shaqaallaha Wasaaradda ay nabad qabaan.

ku dhawaad 3 ruux oo dhaawac ah ayaa goobta laga qaaday, waxaana sidoo kale la sheegay in hal qof uu ku dhintay Qaraxaasi.