Siciid Cumar oo ah Taliyaha Saldhigga degmada Xama-weyne ayaa loo xiray eedeymo la xariira qaraxii shalay ka dhacay degmadaasi oo ay ku dhintayn in kabadan 10 qof.

Su’aallo badan ayaa ka dhashay sababta gaarigii shalay uu ku galay gudaha xarunta, Maadaama halkaasi loo ogol yahay oo kaliya dadka wata Aqoonsiyadda.

Sarkaalka la xiray Siciid Cumar oo ah Gaashaanle dhexe oo ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliya ayaa amarka xarigiisa uu soo baxay xalay, sidaasina lagu xiray.