General Assembly Seventieth session Informal Dialogues with Candidates for the Position of Secretary-General: Mr. Antonio Guterres Panel L to R: Mr. Antonio Guterres, former United Nations High Commissioner for Refugees Mr. Mogens Lykketoft, President of the seventieth session of the General Assembly. Ms. Catherine Pollard, Under Secretary-General for General Assembly and Conference Management

Xog-hayaha guud ee Qaramadda Midoobay Antonio Guterres ayaa  Magaaladda Addis Abba waxaa uu uga qayb gali doonaan shirka Madaxda Africa kaasi oo looga hadli doono arrimaha mudnaanta leh ee Qaaradda.

Ka hor inta uusan kasoo tagin Magaaladda saldhigga u ah ee News York ayaa Guterres oo wareysi siiyay VOA waxaa ka hadlay arrimo ku saabsan Soomaaliya oo Biloowgii sanadkaan erisay Wakiilkiisii Muqdisho u fadhiyay.

Waxaa uu sheegay in kulan ay Madaxda Dowladda la yeelatay wakiilkiisa dhinaca siyaadda ay soo baxeen qodobo dhaxal gal ahwaxaa uuna hadalkiisa ku daray in uu dhawaan soo magacaabi doono wakiilka Cusub ee hogaaminaya Howlgalka Qaramadda midoobay.

“Xiriir cusub ayaa noo bilaaban doona” ayuu yiri Wakiilka QM.

“Waxaan dooneeynaa in aan helo Soomaaliya oo ka adkaatay dhibaatooyinka ay la tacaaleeyso, waxaa jira horumarro ay Soomaaliya ku talaabsatay oo aan ka xusi karo dib u habeeynta dhaqaalaha oo si dhab ah horumar looga sameeyay, waxaana rijeyneynaa in la xaliyo muskiladda Deynta” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay.

Antonio Guterres ayaa waxaa uu sheegay in QM ay Dowladda Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Africa ka taageereeyso dagaalka ka dhan ah Al-shabaab iyo dalaaladda dib u habeeynta ee dalka.

 Guterres waxaa uu Magaaladda Addis Ababa kula kulmi doonaa dhinacyadda ay quseeyso Xaaladda Soomaaliya ee ka qayb galaya shirka Midowga Africa.

1dii January ayaa Dowladda Soomaaliya waxay ku dhawaaqday in aan dalka laga rabin Nicholas Hysom oo ahaa Wakiilkii Xoghayaha guud ee Soomaaliya.

Wixii xilligaas ka dambeeyayna Soomaaliya iyo QM waxaa dhexmaray wadahadallo la doonayay in lagu soo dabaalo is fahmi waa iyo is qoonsi, waxaana ugu Dambeeyay kulankii ay Madaxda Dowladdu la yeesheen Wakiilka dhinaca Siyaasadda ee Xoghayaha guud Rosemary A. DiCarlo.