Iyadoo 2 dii bil ee ugu danbeysay uu hakad ku jiray bixinta  baasaboorka soomaaliya ayaa maanta waxaa dib u bilowday Howsha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya.

Mudadii uu hakadka ku jiray qaadashada baasaboorka ayaa waxaa u xayirnaa dad badan oo dalka dibadiisa ugu bixi lahaa howlo kala duwan oo sida ay noo sheegeen inta badan dadkii maanta qaadanayey ay ugu badnaayeen kuwa caafimaad iyo waxbarashada u aadi lahaa wadamada caalamka.

Waxaa jira bulsho badan oo ay saameyn ku yeelatay mudadii uu dalka ka go’naa baasaboorka,  kuwaasi oo ay ugu darnaayeen dadka dalka uga bixi lahaa howlaha caafimaad oo qaarkood na loo sheegay in ay u geeriyoodeen caafimaad dari, maadaama dalka waxba looga qaban waayey uuna ka go,ay dal ku galkii ay kuraadsan lahaayeem caafimaad.

Qaar ka mid ah dadweynihii maanta isugu soo baxay ayaa  sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin bixinta baasaboorka Soomaaliya.

Bixinta baasaboorka ayaa go’ay, kadib markii uu waqtigii heshiisku ka dhamaaday hay’ad laga leeyahay dalka isutaga imaaraadka carabta, taasi oo hay’ada socdaalka iyo jinsiyadaha soomaliya ka gacan siin jirtay sameynta Baasaboorka, iyadoona waraku sheegayaan in isla shirkaddii mudada loo kordhiyay heshiiska.