Dowladda Mareykanka ayaa rajo xumo ka muujisay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab in guul wax ku ool ah laga gaaro. Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee AFrika Gen. Thomas Waldhauser, oo ka hor hadlayay Kongareeska Mareykanka ayaa sheegay In duqeynta dhinaca cirka ah ee ka dhanka ah ALshabaab kaligeed aan guul looga gaari Karin dagaalka ka socda Soomaaliya. Taliyaha ayaa sheegay in ku dhawaad 50 duqeyn oo dhinaca cirka ah oo ay ka geysteen Soomaaliya sanadkii 2018kii ay ku dhinteen 323 qof oo ka mid ah Al-shabaab. Sidoo kale weerarrada sanadkan billowga ah ee 2019 ayuu Jeneraal Thomas Waldhauser ku sheegay in ay ku dhinteen 118 ka mid ah xarakada Al-shabab. Waxaa uu Taliyuhu sheegay in ujeedada howlgallada dhinaca cirka ah laga leeyahay ay tahay in dowladda Soomaaliya laga gacansiiyo sidii ay dhul ugala wareegi lahayd AL-shabaab. Laakiin duqeynta kaddib ayuu sheegay in wax kasta halkoodii yihiin oo aanay waxba isbeddeleyn, duqeynta cirka ahna aan looga adkaan Karin Al-shabaab. Jeneraalku waxaa uu sheegay in isaga iyo Danjiraha cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ay la kulmeen Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha Soomaaliya kalana hadleen in ay dhistaan Ciidankooda si ay amniga dalkooda mas’uul uga noqdaan.