Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray afar Qof oo ka tirsanaa Xukuumaddii Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee Maamulka Somaliland iyo dad kale oo la socda.

Wasiirrada hore ayaa la sheegayaa in ay shalay soo gaareen Magaalada Muqdisho,kuwaas oo aanla sheegin sababta ay u socdaan.

Magacyada xubnaha ka socda Somaliland ee soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah;

Xasan Daahir Dhimbil oo horay u ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Caamaadka Somaliland, Khadar Axmed Diire Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Caddaaladda,

waxaa kale oo dadkan ka mid ah Axmed Keyse Guray oo Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaarrimaha dibadda Somaliland soo noqday.

qofka kale oo isna la xaqiijiyay in uu wasiirradii Siilaanyo ka mid ahaa hayeeshee aan magaciisa laxaqiijin ayaa ka mid ah,waxaa kale oo ku wehliya xubno u badan dhallinyaro oo u soo wareegayMuqdisho.

Magaalada Muqdisho todobaadyadii la soo dhaafay waxaa laga hadal hayay isku shaandheynlagu sameynayo Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.