Madaxwaynaha mareykanka Donald Trump ayaa Ilhan Omar oo ah gabar ahaan ka soo jeeda soomaaliya kana mid ah golaha Congress’ka dalkaasi ugu baaqay in ay iska casisho xubin’nimada golaha Congress’ka.

Hadalka madaxwaynaha ayaa daba socda raaligalin ay dhawaantan ka bixisay Ilhan Omar Yahuud Naceebnimo lagu eedeeyay kadib markii qoraalo ay soo dhigtay barteeda Twiterka ay aad ugu dhaliishay maamulka Yahuuda.

Madaxwaynaha mareykanka ayaa sheegay in raaliganta ay ilhan bixisay ay tahay midkala dhiman isagoona ugu baaqay haddii aysan xataa iska casileenin xilibaanimada aqalka hoose ee dalka mareykanka ee ugu yaraan tanaasusho xubinnimada ay ku leedahaday gudiga hoosaadka arimaha dibada ee golaha Congress’ka mareykanka.

Ilhan Omar iyo Rashida Talib oo ah gabdho kasoo kala jeeda dalalka Somalia iyo Falastiin ayaa dhawaantan ku biiray golaha Congress’ka mareykanka iyagoona aad loogu xanto in ay aaminsan yihiin fikirka yahuud naceebka.