
Dawladda Maraykanka ayaa ku degdegaysa in ay macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan tiknoolajiyadda quwadda korantada ee nukliyeerka la wadaagto Sacuudi Carabiya, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saareen aqalka wakiillada.
Guddigan aqalka uu xisbiga Dimuqraadigu hoggaamiyo ayaa billaabay baaritaan ku aadan walaaca laga qabo in Aqalka Cad uu boqortooyada Sacuudiga ka dhiso warshad quwadda korontada ka dhalisa nukliyeer.
Dadka sirtan dusiyay ayaa guddiga u sheegay in arrintaasi waxyeelayn karto Bariga Dhexe ayna siyaadinayso nukliyeer samaysashada.
Shirkado lala xiriiriyay madaxweynaha ayaa lagu soo warramayaa in ay dabada ka riixayaan wareejinta macluumaadkaas.