Wafdi ka socda Midowga Yurub oo ku sugan Magaalada Hargeysa ayaa Mas’uuliyiinta Xisbiyadda Somaliland ka dalbaday in ay qabtaan doorashooyinka Golaha degaanka iyo sidoo kale Xildhibaanada Somaliland oo maalmihii ugu dambeeyay Cabashooyin badan ay ka jireen.

Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo warbaahinta kula hadlaayay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay Mas’uuliyiinta ka socday Midowga Yurub ay ka dalbadeen Somaliland in ay qabato doorashadda.

Dalabka Midowga Yurub ayaa yimid xilli Mas’uuliyiinta Xisbiyadda Somaliland uu ka dhextaagan yahay Khilaaf Xooggan oo sababay dib dhaca Doorashadda Somaliland.

Doorashadda Golaha degaanka iyo Xildhibaanadda Qaranka ayaa dhowr jeer dib u dhac ku yimid ka dib markii la isku khilaafay.

Midowga Yurub ayaa bixiya dhaqaallaha ugu badan ee loogu tala galay in lagu bixiyo doorashooyinka Somaliland.