Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Nayroobi.

Maxamed Abdullaahi Farmaajo ayaa halkaas maanta wadahadallo kula yeelan doona Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadli doono xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.