Duufaan xoog badan ayaa ku dhufatay wadanka Zimbabwe waxaana la soo sheegayaa in dhimashadu ay gaartay 24 qof, Duufaanta loo yaqaan Idai ayaa sidoo kale ku dhufatay wadanka Muzaambiig.

Wasaaradda warfaafinta dalka Zimbabwe ayaa sheegtay in 24 qof la xaqiijiyay in ay ku nafwaayeen duufaantaasi oo ku dishay degaanka Bariga Chimanimani, dadka ayaa ahaa ardey iyada oo 40 qofna ay dhaawac yihiin.

Dhanka dalka Moozaambiig duufaantu waxa ay burburisay guryo badan waxaana ay cagta marisay buundooyin waaweyn oo ku yaal gobolka Manicaland oo ku yaal xuduuda ay wadaagaan Zimbabwe iyo Mozambique.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku soo warameysa in dadka lagu badbaadinayo diyaaradaha qumaatiga u kaca sida wasaaraddu ay sheegtay.

Waxaa kale oo go’ay sahayda korontada iyada oo meelaha qaar ay daadad ka dhaceen.

Duufaanta “Cyclone Idai” ayaa geysatay khasaare lagu qiyaasay 4 bilyan oo doolar iyadoo Qaramada Midoobey ay sheegtay in loo baahan yahay in gargaar loo fidiyo dadka ku waxyeeloobay musiibadaasi duufaanta ka dhaceysa wadammada Zimbabwe iyo Moozambique.