wararka inaga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ay isaga soo baxeen deegaano ay kaga sugnaayeen Gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidamada ayaa waxaa ay kasoo baxeen Garoonka Diyaaradaha Jowhar, degmada Mahadaay iyo deegaanada Qalimow iyo Garsaale ee Gobolka Shabeellaha dhexe,waxaana ciidamadaas ay sheegeen in ay ka cabanayaan mushaar la’aan,isla markaana dhowr bilood aysan qaadan wax mushaar ah.

Ciidamadaas oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay Maanta ku sugan yihiin degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe,waxaana ay sheegeen in ay ku wajahan yihiin Magalada Muqdisho.

Saldhigyadii ay ciidamadaas kasoo baxeen ayaa waxaa sidoo kale ku haray Ciidamo kale oo aan badneyn,waxaana ciidamadaas kasoo baxay deegaano ka tirsan Shabeellaha dhexe ay badi sheegeen in Mushaar iyo raashin intaba dhowr bilood aysan helin.

Maalma ka hor ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ay kasoo baxeen deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay la wareegeen Ururka Al-Shabaab.