Kooxo hubeysan ayaa Xaafada Buundooyinka ee degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir waxa ay ku dileen Nin la sheegay in uu ahaa macalin dhiga Dugsi Qur’aan kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Dadka degan agagaarka dilka uu ka dhacay ayaa waxa ay sheegeen in rag hubeysan ay macalinka ku dileen Afaafka hore ee Dugsiga uu dhigayay,isla markaana uu ahaa Macalin siweyn Xaafada looga yaqaanay.

Lama oga sababta loo dilay Macalinka iyo dadka ka dabeeyey dilkiisa,hayeeshee markii uu dilka dhacay ayaa waxaa Goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sameeyey baaritaano ay ku doonayaan inay kusoo qabtaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Magalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal loo geysto askar ka tirsan ciidamada Dowladda iyo dad kale,waxaaana inta badan mas’uuliyada dilalkaas sheegta Ururka Al-Shabaab.