Gollaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay in Israil lagu cambaareeyo inay xoog ku heysato buuraha Golan ee Suuriya leedahay.
Buurahan ayaa Israil ay ka qabsatay Suuriya intii uu socday dagaalkiii lixda maalin qaatay ee dhacay sanadkii 1967.
Codbixinta ayaa kusoo beegmatay maalin uun kaddib markii madaxweyne Trump uu sheegay in Mareykanku uu aqoonsanayo Israil inay leedahay buuraha Golan.
Haddalka madaxweyne Trump ayaa ka dhigaya dalka Maraykanka waddankii ugu horeeyay ee u aqoonsada Israil inay leedahay dhulkaasi.
Gollaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan ku yeeshay xarunta Geneva ayaa maalinkii Jimcaha aad uga dooday buuraha Israil ay xoogga ku heysato ee Suuriya.
Xubnaha gollaha oo gaarayay 47 ayaa 26 ka mid ah ay si aqlabiyad ah ugu cambaareeyeen Israil inay xoog ku heysato dhulkaasi.
Safiirka waddanka Bulgari Deyana Kostadinova, oo ku hadlayay magaca Midowga Yurub ayaa sheegay in “Midowga Yurub ay kasoo horjeedaan in Israil ay xoog ku heysato buuraha Golen ee Suuriya, taasi oo uu ku sheegay inay tahay xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga..”
Safiirka Japan Ken Okaniwa, ayaa isn asheegay in buuraha Golan ay tahay ” dhul la heysto” iyo “in aan la aqbali kairn in Israil ay sii heysato.”
Go’aankaan ayaa diraya “fariin cad oo ku saabsan hufnaanta gollahan” sidoo kalena waxay tani “fariin cad u tahay cida xoogga ku heysato dhulkaasi.”
Dalalka u codeeyay in Israil ay xoog ku heysato buuraha Golan ayaa waxaa ka mid ah: Australia, Austria, Brazil, Bulgaria, Croatia, the Czech Republic, Denmark, Hungary, Iceland, Italy, Japan, Slovakia, Spain, Togo, Ukraine iyo UK.
Shan dal oo kale ayaa ka aamusay kuwaasi oo kala ah : Cameroon, Jamhuuriyada Dimoqaraadiga ee Congo, Fiji, Rwanda and Somalia.
Israa’iil ayaa 1981-kii dhulka ay maamusho ku darsatay buuraha Golan iyada oo ay jirin aqoonsi caalami ah oo ay heshay.
Dalka Suuriya, oo buurahaasi laga haysto ayaan ilaa iyo hadda wax jawaab ah ka bixin hadalka ka soo yeeray madaxweyne trump.
Buuraha Golan waxay Koonfu galbeed kaga beegan yiin caasimadda Suuriya ee Dimishiq, waxayna masaafa ahaan u jiraan 40 mile, waxay buuraha sililadda ee Golan dhirirkoodu ahaan gaarayaa 1200 kiilo mitir isku wareeg ah (400 mile).
Buuraha Golan intooda badan waxay Israa’iil ku qabsatay dagaalkai bariga dhee ka dhacay 1967-kii, dowladda Suuriyana waxay isku dayday iney buuraheeda dib uga soo ceshato Israa’iil iyada oo 1973-kii dagaal la gashay.
Waxayna dagaalkaasi kaddib labada dal ku heshiiyeen in la sameeyo dhul dhan 70 Km oo militariga ka caaggan oo ay gacanta ku hayaan ciidamada nabad ilaalin oo ka socda qaramada midoobay. Balse labada dal waxay ahaayeen waligood kuwo uu dagaal ka dhaxeeyo.
In kabadan 30 deegaan oo ay Yuhuuddu leedahay ayaa ku yaalla buuraha Golan qaybta ay Israa’iil maamusho waxaana ku nool dad lagu qayaaso 20,000.
Deegaannadaasi oo lagu tilmaamo iney sharci darro yihiin marka laga eego dhanka shuruucda caalamiga ah iyada oo ay Israa’iilna ku doodeyso iney sharci yihiin.
Dadka Yuhuudda ee deegaannadaasi degganna waxay deegaan wadagaan dad Suuriyaan ah oo gaaraya 20,000 badankoodna ay yihiin Carabta Duruze loo yaqaanno oo aan meelna uga qixin marki ay buurahaasi Israa’iil qabsatay.