Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa muddo todobaad ku amartay inay dalka ku soo gasho Faadumo C/llaahi Maxamuud oo ah Safiirka Soomaaliya ee Geneva iyo Xarunta Qaramada Midoobey Ee xuquuqul Insaanka ee magaalada Geneva.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Tallaabadan ayaa ka dambeysay, kaddib markii Safiiradda ay ka aamustay go’aankii Trump looga soo horjeeday ee ahaa inay Israa’iil leedahay Buuraha Golan Heights.