Booliska dalka kenya oo soo badbaadiyey 25 haween ah oo lagu xiray guri

0
611

Booliska dalka ayaa soo badbaadiyey 25 qof oo dumar ah kuwaasi oo laga shaki qabo in ay ahaayeen dhibaneyaal loo tahriibinayey meelo kale.

haweenkani oo 25 haweena ahaa ayaa lagu xiray guri ku yaal kowntiga Kiambu. Haweenka ayaa looga tegay guriga.

Booliska oo si kedis ah xaafaddaasi ku jebiyey ayaa soo bixiyey haweenkii waxaana soo baddbaadiyey saraakiil ka socota waaxda dowliga ah ee la dagaalanka dembiyada abaabulan.

3 qof ayaa lagu soo xiray howlgal ay boolisku bilaabeen.

Agaasinka dembi baarista dalka ee DCI-da ayaa magacowday in dadka laga shakisan yahay ee la hayo ay kala yihiin Mercy Kaaia, Ms Lydia Nyambura iyo Ms Susan Nyambura Nganga.

Marka loo eego waaxda dembi baarista ayaa waxa ay sheegtay in dadka 25-ta qof ah halkaasi lagu xiray si loogu diyaariyo in ay ku xigsadaan dad kale oo loo daabulayey qaaradda Eeshiya.

Warar ayaa sheegaya in badanaa la dhibaateeyo dadka loo gooshiyo wadammada kale ee ka baxsan qaaradda afrika.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay dhowaan in 71 boqolkiiba dhibaneyaasha la tahriibiyo ay u badan yihiin haween iyo gabdho yar yar.