Ciidanka Xoogga ayaa howlgalo Amniga lagu xaqiijinayo kawada Degaanada Sabiib Caanoole Baladul Amiin ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Inta ay howlgalada socdeen ayaa Ciidamadu waxa La Sheegay In Ay  burburiyeen Goobo Al-shabaab Ay ku diyaarinjireen Qaraxyada  kuwaasi oo ay kacarareen kadib markii Ciidanka Xoogga Dalka ay lawareegeen Degaanadaasi.                                                                               

Taliyaha Ciidamada Dhulka XDS S/Guuto Odawaa Yuusuf raage ayaa Warbaahinta Ku Hadasha Afka Ciidamada Qalabka Sida usheegay in howlgalka  lagu burburiyay Sadex Xarumood oo Al-shabaab kusameeynjireen Qaraxyada islamarkaasna Ay kacarareen.                                                          

Gen:Odawaa ayaa tilmaamay in howlgalka uu sidii loogu talagalay usocdo  wuxuuna intaasi kudaray in Al-shabaab dhibka Shacabka soomaaliyeed ay kuhayaan laga dulqaadi doono.    

Howlgaladan Ciidanka Dowlada Ay Kula Wareegeen Degaanada Sabiib Caanoole iyo Baladul Amiin ayaa waxaa fulinayay  Ciidmada Xoogga Dalka iyo kumaandooska XDS