Inta la xaqiijiyay hal qof oo Shacabka ayaa ku dhaawacmay Qarax Miino oo ka dhacay nawaaxiga Xaafadda Daalo ee wadada Sodonka.

Qaraxa ayaa Miino lagu Aasay wadada Dhinaceeda, waxaana sidoo kale burbur uu soo gaaray gaari yaallay goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa goobta uu Qaraxu ka dhacay gaaray, waxaana ay halkaasi ka qaadeen dhaawaca ruuxa waxaana sidoo kale ay sameeyeen howlgallo.