Danjirayaal ka kala socda dalalka ku jira Urur Goboleedka IGAD ayaa Magaalafa Nairobi kaga dhawaaqay dhismaha koox heegan ah oo difaaca Biyaha Badda cas iyo Gacanka Cadmeed ee Geeska Afrika.

Waddamada ku jira IGAD,ayaa ku heshiiyay in ay ujeeddo mideysan ka lahaadaan amniga Badweynaha Hindiya iyo Badda cas oo xilligan wajahaya tartan u dhaxeeya dowladaha ugu awoodda badan Caalamka.

Waddamda sameystay kooxdan heeganka ah ee xitaa faragelinta sameyn kara haddii ay Qatar ku timaado qaar ka mid ah dalalkan, ayaa waxaa ka mid ah; Kenya, Uganda, Ethiopia, Sudan, Djibouti, Somalia iyo South Sudan.

 Kooxdan waxaa xoggaaminaya Mohamed Ali Guyo, oo ah Wakiilka IGAD ee Soomaaliya, Howlaha kooxdan ay qabanayaan waxaa ka mid ah amniga badaha, Socdaalka, Argagixisada, ka hortagga Kalluumeysiga sharci darrada ah, wasaqowga hawada, Burcad Badeedda iyo ka hortagga Wasaqda lagu shubo badaha Geeska Afrika