Madaxa golaha milateriga ee Suudan ayaa xilka banneeyay maalin un kaddib markii afgambi xilka loogaga tuuray madaxweynihii mudada dheer dalkaas maamuli jiray ee Cumar Xasan al-Bashiir.

Wasiirka Gaashaandhigga Cawad ibnu Cowf ayaa go’aankiisa waxa uu kaga dhawaaqay taleefishinka qaranka.

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa kaddib markii dibadbaxayaashu ay diideen inay isaga tagaan waddooyinka iyagoo sheegay in hogaamiyayaasha afgambigu ay aad ugu dhaw yihiin Mr Bashiir.

Milateriga ayaa waxa uu ku adkaystay inuusan doonayn inuu awoodda la wareego, mustaqbalka Suudaanna ay go’aan ka gaari doonaan dibadbaxayaasha.