Taliska Mareeykanka ee Qaaradda Africa ayaa sheegay in Duqayn ay ka fliyeen Soomaaliya lagu dilay Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.

Duqayntu waxaa ay dhacday Jimcihii waxayna ka dhacday jamaame Gobolka Jubadda Hoose, halkaas oo ay ka taliyaan Al-shabaab.

War Saxaafadeed uu soo saaray Taliska Mareeykanka  ee Qaaradda Africa ayaa lagu sheegay in Duqaynta ay ku dhinteen Labo dagaaleme oo ka tirsan Al-shabaab.

AFURCOM ayaa sheegay in duqayntaas ay ahayd mid ay ku caawinayeen Dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya oo dagaal adag ku jirta Al-shabaab. Wuxuuna warkiisa raciyay balanqaad ah in uu sii wadi doono taageeradda Dowladda ee ka dhan ka ah Al-shabaab.

Diyaaraha aan duuliyaha lahayn ee Mareeykanka ayaa si joogto ah u beegsada Al-shabab, waxana wiiqeen Awooddii Al-shabaab ay u baabulijieen Weeradda ay la beegsadaan Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM.