Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka qeyb galaya Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Imaaraadka Carabta

Illaa 7 dhalinyaro Soomaaliyeed oo matalaya illaa 8 dal oo ay heystaan dhalashadooda, ayna ku jirto Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya Tartan heer sare ah oo qur’aanka Kariimka ah, kaasoo ay soo qaban qaabisay Xukuumadda Dubai.

Tartanka ayaa waxaa ka qeyb galaya Arday ka kala socota illaa boqol dal, waxaana lagu tartamayaa akhrinta Qur’aanka Kariimka, waxaana uu soconayaa illaa 20-ka bisha Ramadaan.

Abuubakar Mubaarak Cabdallah oo ka mid ah Guddiga qaban qaabada Tartankan ayaa sheegay in Tartankan la qabto sanadkiiba, isla markaana uu bilowdo Ramadaanka bilowgiisa.

Waxaa uu sheegay in 7 Arday ee Soomaaliyeed ee ka qeyb galaya Tartankan ay matalayaan 8 dal oo ay ka mid yihiin Holland, Denmark, Finland, Kenya, Itoobiya, Sweden, UK iyo Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in abaal marino lacageed oo qaali ah la siinayo Ardayda ku guuleysata Tartanka, isagoo xusay in Kaalmaha 1aad illaa 10aad ay helayaan abaal marinada.

Mar uu ka hadlayay Abaal marinta lacageed ayuu xusay in Ardayga galay kaalinta koowaad la guddoonsiinayo lacag dhan $100,000 oo dollar, halka Kaalinta 2aad la guddoonsiinayo $75,000, kaalinta 3aad la guddoonsiinayo $50,000, sidaasna ay isugu xigaan illaa kaalinta 10aad.

Ardaydan ayaa waxaa casho sharaf u sameeyay Safiirka Jabuuti u fadhiya Imaaraadka, sidoo kale waxaa ardayda casho sharaf iyo dhiira gelin u sameysay Shirkadda Royal Meat Group, waxaana ay u rajeysay inay Tartankan ku guuleystaan

Related posts:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *