Ugu yaraan 137 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay kaniisado iyo hoteello ku yaal dalka Sri Lanka.

Ilaa lix qarax ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaceen kaniisado iyo hoteello ku yaal dalkaasi, xilli lagau guda jiro ciidda Masiixiga ee Easter.

Qaraxyada ayaa la sheegayaa in ay ka dhaceen kaniisado ku yaal degmooyinka Kochchikade, Katuwapitiya iyo Batticaloa.

Saddex qarax oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen hoteellada Shangri La, Cinnamon Grand iyo Kingsbury oo dhammaantood ku yaal bartamaha magaalada caasimadda ah ee Colombo.

Ilo wareedyo ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ugu yaraan 80 qof oo dhaawac ah la dhigay isbitaallada Colombo.

Maanta oo Axad ah ayaa masiixiyiinta caalamka waxa ay xusayaan ciidda masiixiga ee Easter.

Sawirro la soo dhigay baraha xiriirka bulshada ayaa muujinayay dhiig daadsan mid ka mid ah kaniisadaha la weeraray.