Qaraxaan ayaa ahaa miinada nooca gawaarida lagu dhejiyo,waxaana uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Tarabuunka degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Gaariga qaraxa lagu xiray oo ahaa nooca raaxada ayaa waxaa la sheegay in uu ka badbaaday qofkii watay oo weli aan la shaacin waxa uu ahaa,hayeeshee waxaa ku dhaawacmay laba ruux oo Shacab ahaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo mudo daqiiqado ah hakiyey isku socodka dadka iyo gaadiidka wallow markii dambe ay dib u fasaxeen.

Qof goobjooge ahaa xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa sheegay in mar qura ay ka war heleen jugta qaraxa,isla markaana ay kala carareen,waxaana uu sheegay in xaalada iminka ay tahay mid degan.

Qaraxyada gawaarida lagu dhejiyo ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay aad ugu soo badanayeen gudaha Magalada Muqdisho,waxaana todobaadkii la soo dhaafay wadada Maka-Almukarama ka dhacay laba qarax oo ahaa kuwa gawaarida lagu dhejiyo