Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda  Soomaaliya oo  la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu ka hadlay Shir ay Magaalada Nairobi ku yeesheen, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Xisbiyada mucaaradka ee ka jira dalka, kaasi oo lagu dhaliilay xukuumadda uu hoggaamiyo R/Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka warfaafinta ayaa waxaa uu ugu baaqay Siyaasiyiinta ka qeyb gashay shirka Magaaladda Nairobi in aysan ku fogaan mucaarad nimadda, islamarkaana ay taageero dheeraad ah ay u muujiyaan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Wasiir Geelle  ayaa shaaca ka qaaday in siyaasiyiinta hanka hoggaamineed leh in ay dowladda soo hor fariistaan,isla markana ay cabiraan tabashooyinka ay ka qabaan dowladda Somaaliya.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu xusay  in dowladda Soomaaliya ay  wado qorsho la isugu keenayo Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan horumarinta dowladdnimada.

Shalay ayaa magaalada Nairobi waxaa shir ku yeeshay Xubnaha Mucaaradka ah ee ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, iyagoona aad u dhaliilay hanaanka ay ku shaqeyso xukuumadda Soomaaliya.