Shir u dhexeeya madaxda Dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada dalka  ayaa maanta la filayaa in uu ka furmo magaalada Goroowe ee xarunta maamulka Puntland.

Shalay ilaa waxaa gaaray Garoowe Madaxweynayaasha Junaland, Koofur Galbeed, Hir-shabeelle, Ra’iisul Wasaaraha Kheyre iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale galinka hore ee maanta ayaa lagu wadaa in halkaasi ay gaaraan Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo hada ku kala sugan magaalooyinka Gaalkacyo iyo Muqdisho.

Shirka maanta ka furmaya maagaalada Garoowe ayaa looga arinsa doonaa sida ay sheegeen madaxda ka qeyb galeysa arimaha Doorashooyinka, dib u eegista Dastuurka, iyo siyaasadda guud ee dalka