Kooxo hubeysan ayaa saacadihii ugu dambeeyay Ex Koontarool Afgooye ku dilay nin Ganacsade ahaa.

Goobjooge la hadlay Kalsantv ayaa Sheegay ganacsadaha la dilay inuu ku jiray xiliga la tooganayay goobtiisa Shaqo.

Sarkaal katirsan ciidamada booliska degmada Hodan ayaa Kalsantv u sheegay inuu socdo baaritaan la xiriira sababta loo dilay ganacsadaha iyo cida ka dambeysay Ninkaasi lagu dilay Ex Koontarool Afgooye.

Warar hoose oo aan la xaqiijin, balse ay hadal hayaan warbaahinta gudaha ayaa sheegaya in Ganacasadaha la dilay uu bixiyay Xog ku saabsan Shaqsi katirsan Al shabaab oo ciidamada amaanka u suura gashay iney gacanta kusoo dhigaan.

Wali wax war ah kama soo bixin Xoogaga Al shabaab, oo la tuhun san yahay iney ka dambeeyeen dilka Ganacsadahaasi.