War kasoo baxay Taliska ciidamada Xooga Soomaaliya ayaa looga hadlay howlgal ciidamada dowladda ay ku burburiyeen Saldhig Xoogag taabacsan Al shabaab ay ku leeyihiin deegaan 19 KM dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Garbahaareey.

Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odowaa oo la hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay in ciidamada xooga Soomaaliya ay cagta mariyeen Saldhig Al shabaab ay ku leeyihiin gobalka Gedo.

Shalay waxaa dagaal qaraar oo marar badan la isku noq noqday uu ka dhacay deegaano hoos yimaada degmada Garbahaareey, halkaasi oo ay isku fara saareen Ciidamo gaashaan buur ah iyo kuwa Shabaab.

Wali majirto labada dhinac wax war ah oo kasoo baxay oo looga hadlay khasaaraha rasmiga ee ka dhacay dagaalkaasi xooganaa.

Dhanka kale Warar hoose oo Kalsantv ay heshay ayaa Sheegaya in dagaalkaasi uu ku dhaawacmay Taliyihii ciidamada huwanta hogaaminayay oo lagu magacaabo Siyaaad cagalaab iyo askar kale.