Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa Weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo, xili uu ka qayb galayay kulan xalay ka dhacay magaalada Nairobi.

Mudane Xaaf ayaa kulanka xalay ee Nairobi jawaab kulul ka bixiyay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya oo ku saabsanaa in Gamudug ay diiday talada dowladda dhaxe ee dalka.

Madaxweyne Xaaf ayaa Sheegay Farmaajo uu weydiistay hub ay kula dagaalamaan Al shabaab, lakin uu siiyay jawaab lala yaabo.

“Ma Caabudwaaq ayaad ku weerari rabtaan” ayuu na yiri ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Hogaamiyaha Galmudug ayaa sheegay iney nasiib daro ama wax lala yaabo tahay inuu hadalkaas kasoo yeero Madaxweyne Qaran, uuna caburin iyo cadaadis ku hayo madaxda Maamul gobaleedyada dalka.

Madaxda dowladda dhaxe iyo kuwa maamul gobaleedyada qaar ayaa waayadaan waxaa ka dhax taagnaa Khilaaf xoogan oo sababay in kulankii dhawaan ka dhacay Garoowe uu Fashil kusoo dhamaado.