Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo dhax maray Ciidamo gashaanbuur ah iyo kuwa Xoogaga Al shabaab.

dagaal u dhaxeeyay Militaryga Kenya iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Ciidamada Al shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Diif ee gobolka Jubbada hoose.

Goobjooge ku sugan deegaanka Diif ayaa Kalsantv u sheegay dagaalka inuu yimid kadib markii Xoogag katirsan Al shabaab ay weerar saf balaaran ah ku qaadeen Saldhig ciidamo gaashaan buur ah ay ku leeyihiin deegaanka Diif ee gobolka Jubbada hoose.

“Shabaab ayaa soo galay deegaanka, waxaana deegaanka isaga baxay Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland” ayuu yiri goobjooge

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay dagaalkaasi iney kula wareegeen Deegaanka Diif, kuna soo furteen saanad Ciidan.

Ilaa hada majirto cid ka madax banaan Sheegashada Al shabaab oo cadeyn karta iney gacanta ku dhigeen hub iyo saanado kale.