Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Kaaraan ee magaalada muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ahaa.

C/casiis C/llaahi Maxamed ayaa lagu magacaabi jiray wiilkaasi kamidka ahaa dhalinyarada caanka ka ah degmada Kaaraan.

Ehelada marxuumka la Toogtay ayaa Kalsantv u sheegay iney aad uga xun yihiin falkaasi arxan darada ah ee lagu dilay wiilkooda.

Wali majirto cid sheegatay Mas’uuliyada dilka Marxuum C/casiis C/laahi Maxamed ama garaneysa sababta ka dambeysay dilkiisa.

Amaanka muqdisho ayaa soo hagaagayay mudooyinkii dambe, inkastoo labadan isbuuc ee lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan magaalada ay ka dhaceen falal amniga lidi ku ah