Ciidamada booliska maamulka koofur galbeed ayaa gudaha magaalada Baydhabo saakay ku dilay darawal shaqeysan jiray gadiidka xamuulka qaada.


Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Baroodi.
Goobjooge ku sugan Baydhabo ayaa Kalsantv u sheegay in dilka uu ka dhacay Jidka 30 ka ee Magaalada Baydhabo ee KMG maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.


Ilaa hada majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka koofur galbeed oo ku saabsan dilka marxuumka iyo sababaha keenay in ciidamada ay toogtaan.