Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Xukun ku riday, Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) iyo Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin).


1.Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 21 jir ah ina Faadumo Aadan Cusmaan ku dhashay Sh/dhexe.
2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) 25 ina Xaawo Cawil Mursal ku dhashay Baydhabo.


MARKAY ARAGTAY: Xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee 20.03.2019 kuna xukuntay Dil Toogasho ah Racfanlayaasha.
MAXKAMADDA SARE CIIDAMADA QALABKA SIDA WAXAA U CADAATAY IN:
1.Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) in ay yihiin dembiilayaal galay dembiyadii lagu soo oogay.


WAXAYNA KU RAACDAY


Xukunkii Maxkamadda Darajada 1-aad CQS oo ahaa DIL TOOGASHO AH, oo ah qisaasta Marxuumiintii ku geeriyooday qaraxyadii iyo weeraradii ay geysteen.” Sida uu u sheegay Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yarow g/ Maxamadd Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida.