faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo xalay lagu qaaday Saldhiga Koofureed degmada Waajiid ee gobalka Bakool.
Goobjooge ayaa warbaahinta u sheegay dagaalka inuu ahaa mid xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, balse khasaaraha uusan ogaan karin.
Sarkaal katirsan ciidamada dowladda ayaa sheegaya inuu jiro khasaare soo gaaray ciidamada dowladda kadib markii weerar gaadmo xalay ay kala kulmeen Xarakada Al shabaab.
Inta la xaqiijiyay 5 askari ayaa dhimasha iyo dhaawac ku noqday dagaalka, sida uu xaqiijiyay sarkaal katirsan Militaryga dowladda ee ka howlgalada deegaanada Koofur galbeed.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda saakay howlgalo kala duwan ay ka wadaan degmada Waajid iyo deegaano hoos yimaada oo laga baadi goobanayo xubno taabacsan Al shabaab oo xalay weerar xoogan ku qaaday degmada Waajid.