Ciidamo katirsan Militaryga Itoopiya ayaa saakay la wareegay Amaanka garoonka diyaaradaha magaalado Kismaayo, oo horay ay u sugi jireen ciidamada Kenya.


Militaryga Kenya oo mudo saldhigyo xoogan ku lahaa garoonka diyaaradaha Kenya ayaa saakay isaga baxay kadib markii ay qaateen amar kasoo baxay Midowga Afrika.


Sarkaal katirsan ciidamada Jubbaland ooo la hadlay Kalsantv ayaa sheegay in Saraakiisha sar sare ee midowga Afrika ciidanka Kenya ay ku armreen iney ka baxaan garoonka Diyaaradaha.


Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa waxaa Isbuucyo ka hor ku dagaalamay ilaalada musharax Cabdi Naasir Seeraar iyo ilaalada Garoonka,waxaana musharixiinta qaarkood ay Hogaamiyaha Jubbaland ku eedeeyeen inuu Musharaxiinta caburin ku hayo.