Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu dilay Askari katirsanaa booliska Puntland.

Kooxo hubeysan ayaa ka dambeeyay Toogashada Askariga oo lagu magacaabi jiray Sharma’arke Axmed Waaberi, kana howlgali jiray saldhiga Ciidamadda Mijir ee magaaladda.

Maamulka magaalada wali wax war ah kama soo saarin, askari xalay lagu dilay Isgoyska Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Wali majirto cid Sheegatay Mas’uuliyada dilka askarigaasi.

dhanka kale Ciidamada booliska Puntland ayaa Saakay howlgalo kala duwan ka wada Isgoyska Boosaaso iyo Xaafadaha ku hareereesan, oo laga baadi goobayo rag ka dambeeyay askari xalay halkaasi lagu dilay.