Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaare ka dhashay qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay inta u dhaxeysa Taalada daljirka daahsoon iyo xarunta Godka Jilacow ee Muqdisho


Wararka soo baxaya ayaa sheegaya xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iney kamid yihiin dadka ku dhaawacmay qarax xoogan oo 30 daqiiqo ka hor ka dhacay Muqdisho.


Saraakiisha Gurmadka Degdeg ah ayaa sheegaya iney arkeen 10 qof oo qaba dhaawacyo, waxaana kamid ah dhaawacyadaasi, Xildhibaan Xasan Shabeel Iyo Xildhibaan Zeynab.


dhanka kale dadka ku dhintay qaraxa ayaa waxaa ka mida ah Faay Cali Raage, oo ahayd Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga Dalka.

Waxii kusoo kordha kala Soco Kalsantv.com ama Page Facebook Kalsantv