Ciidamada dowladda oo saaka dagaal kula wareegay deegaano ka tirsan Sh/Hoose

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ayaa saaka duulaan ku qaaday deegaano hoos-taga degmada Afgooye iyo deegaanka Janaale, halkaasoo ay maamulayeen Kooxda Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada ayaa la wareegay deegaanada Baladul-Amiin, Farsoley, Mubaarak iyo Bariire oo ahaa tuulooyin hoos taga degmada Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal uu halkaas ku dhex maray ciidamada huwanta iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab ayaa la soo sheegayaa in dagaal xooggan uu ku dhex marayo agagaarka deegaanka Janaale.

Xaalada deegaanka Janaale iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa kacsan, iyadoo ay isaga barakaceen dadkii deegaanka ee ku sugnaa.

Duulaanka saaka ciidamad dowladda ku qaadeen Al-Shabab ayaa la sheegay inuu ahaa mid qorsheysnaa oo maalmahan ciidamada ay wadeen dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Al-Shabaab ayaa gacanta ku heysa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo la sheego inay yihiin goobaha inta badan ay dagaalada ka soo abaabulaan.

Related posts:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *